Video:-Donald Trump oo ka hadlay askarigii maraykanka ahaa ee lagu dilay Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa wuxuu ka hadlay askariga ka tirsan dowladda Mareykanka ee lagu dilay hawlgalkii ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, hal habeen ka hor.

Askarigan ayaa lagu dilay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose, xilli ciidamada Mareykanka ay fulinayen hawlgal qorsheysan oo lagu qaaday saldhigyo Shabaab ku leeyihiin Bariire.

Madaxweyne Trump, ayaa sheegay askarigaasi dhintay inuu u dhintay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran, wuxuuna tacsi u diray eheladda askarigaasi.

Madaxweynaha dalka Mareykanka, ayaa sidoo kale ku hanjabay inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ciidamada Mareykanku ka wadaan Somaliya.

War ka soo baxay Taliska dhexe ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in askari American ah lagu dilay hawlgal ka dhan ah Al Shabaab oo habeen hore ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose. Bariire ayaa 40 KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho.

Waa askarigii ugu horeeyay oo Mareykanka looga dilo dalka Somaliya, tan iyo sanadkii 1993-kii, oo markaasi 18 askari looga dilay Magaalada Muqdisho.

Shabaab oo ka hadlay dilka askarigaasi, ayaa sidoo kale ku faanay inay qabsadeen saanad ciidan oo ay ka carareen ciidamadii Mareykanka ahaa

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka