Qarax ka dhacay agagaarka Hotel Maka Almukarama

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax lagu xiray baabuur uu goor dhowayd ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay xagga hoose ee baabuurka ayna u muuqato in loola dan lahaa qofka baabuurka watay oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdishu waxay sheegayaan in qofka la beegsaday uu ka tirsanaa ciidamada saraakiisha dhexe ee amniga laguna magacaabo Cabdulqaadir Dinix, waxaana uu qaraxu dhacay xilli uu marayey kasoo horjeedka Huteelka Maka Al-Mukarama.