Video:-Doorashada Faransiiska oo wareegii labaad maanta loo dareeray

Codbixiyayasha Faransiiska ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada dalkaasi.

Waxa ay kala dooranayaan Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen, oo labaduba ballanqaaday in siyaabo kala duwan ay u wajihi doonaan dhibaatooyinka haysta Faransiiska.

Doorashadan ayaa ah mid si weyn loogu tartami doono, afkaarta labada musharraxna ay isweyn isu diidan yihiin.

Maalin un ka hor doorashada ayaa Emmanuel Macron waxaa laga jabsaday macluumaadka kombiyuutaradiisa, ayadoo xog badan oo ku saabsan ololihiisana baraha internet-ka lagu baahiyay.

Madaxweynaha xilka ka degaya, Francois Hollande, ayaa sheegay in ay filayeen weerarro noocaasi oo kale, maadaama buu yiri “ay ka dhaceen meelo kale”

Waxa hadda la sugaaba waa natiijada kasoo bixi karta doorashadan sida weyn loogu loolamayo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka