Beelaha Puntland qaar ka mid ah oo cabasho ka keenay qoonada Baarlamaanka Puntland

Madaxweyne Gaas oo ka duulaya codsi uga yimid qaar kamid ah beelaha Puntland oo ka cabanaya qoondadooda Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,ayaa qoraal codsi ah udirey Gudoonka Baarlamaanka Puntland.
 
Qoraalka codsiga ah ee Madaxweyne Gaas u diray gudoonka Baarlamaanka ayuu kaga codsaday in dib u eegis lagu sameeyo tirada xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo haday suuragal tahay kororsiimo lagu sameeyo.
 
Beelaha cabshada soo gudbiyay ee madaxweyne Gaas wax la doonayo xiligan ayaa kala ah:-
 
A.Leelkase
 
B.Awrtable
 
C.Tumaalo
 
D.Dir.
 
E.Mareexaan.
 
 
Waxaa la filayaa hadii Baarlamaanku codsiga madaxweynaha iyo cabashada beelaha tixgaliyo,isla markaana uu ogolaado in Baarlamaanka lagu dari doono 7-Xildhibaan.
 
7-Xildhibaan ayaa beeluhu qoondo ahaan ukala heli doonaan sidatan:-
 
 
A.Leelkase 2-Xildhibaan
 
B.Awrtable 1-Xildhibaan
 
C.Tumaalo 2-Xildhibaan
 
D.Dir 1-Xildhibaan
 
E.Mareexaan 1-Xildhibaan.
 
 
Qorshahan ayaa hadii uu hirgalo waxuu noqonayaa markii ugu horaysay ee Baarlamaanka Puntland dib u eegis lagu sameeyo tiradiisa  guud ee Xildhibaanada uu ka kooban yahay.
 
Madaxweyne Gaas ayaa talaabadan waxay u tahay mid uu Taariikhda ku gali doono madaama beelahan ay mudooyin badan soo wadeen cabashadooda ay ku dalabanayaan in kororsiimo lagu sameeyo ama wax laga siiyo qoonadada Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.