Ma dhabaa in la dilay hogaamiyihii ISIS ee Afgaanistaan?

Xafiiska Madaxweyne Karzai Ashraf Ghani ayaa shaaciyay dilka hugaamiyihii ISIS ee gudaha dalka Afqaanistaan Cabdil Xasiib.

Ghani ayaa sheegay in Cabdil Xasiib la dilay toban maalmood ka hor , ayna dileen hawlgal ay hugaaminayeen xoogaga gaarka ah ee Afqaanistaan ee gobolka bari ee Nangarhar.

Waxaa loo malaynayaa in Cabdilxasiib uu ahaa madaxii ka danbeeyay weerar bishii marso ee lasoo dhaafay lagu qaaday isbitaal military oo ku yaala caasimada wadankaasi ee Afqaanistaan.

Kaasoo sababay in ay ku naf waayaan dad gaaraya 3o qof.

Bishii hore ayay ahayd kolkii ay wasaarada gaashandhiga ee Maraykanka ee bantagoonka ay baahisay, oo sheegatay in laga yaabo in Cabdil xasiib uu dhintay , kuna dhintay weerar ay wada fuliyeen xoogaga Maraykanka iyo ciidamada gaarka ah ee Afqaanistaan.

Bishii April ayay ahyd kolkii uu Maraykanku ku riday goobaha fariisinka u ah Daacish ee dalka Afqaanistaan bumkii loogu yeeray in uu ahaa hooyadii bunbaanooyinka ee gobolka Nangarhaar.

Dhanka kale ISIS ayaa sheegtay ina ay kusii fidayso Afqaanistaan iyo Baakistaan, kolkii ay baahiyeen waxay ugu yeereen dawlada Kharaasan sanadii 2015 kii , mudadaa kadib ayuu ururku weeraro badan qaaday, yadoo awoodiisuna ay ku sii fiday labada dalba.