Obama fariin udiray Congrees-ka Marayakanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu rajeynayo in xubnaha aqalka congress-ka Mareykanka ay noqdaan kuwa ay ka go’an tahay “inay eegaan xaqiiqda, oo ay ka hadlanan runta, xitaa hadii taasi ay ka horimaneyso mowqifka xisbigooda”.

Hadallada Obama ayaa yimid isaga oo magaalada Boston ku aqbalay biladda geesinimada ee John F. Kennedy, iyo maalmo kadib markii xubnaha aqalka wakiilada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga ay ansixiyeen sharci beddel u noqon doona barnaamijka daryeelka caafimaad ee Obamacare.

Obama ayaan soo hadal qaadin madaxweynaha beddelay ee Donald Trump iyo isku daygiisa uu ku doonayo in lagu baab’iyo oo lagu beddelo barnaamijka Obamcare.

Obama ayaa soo hadal qaaday xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee congress-ka ku cusbaa markii la ansixiyaye barnaamijka Obamacare 2010, kuwaasi oo bartilmaameed u noqday xisbiga Jamhuuriga. Wuxuu sheegay in xubnahaasi ay sameeyeen waxa saxda ah ayna u dhaqmeen si dhiiranaan leh.

“Waxaan rajeynaa in xubnaha congress-ka ee iminka ay ogaadaan inay u baahan tahay dhiiranaan in loo doodo kuwa baylahan ee xanuunsanaya aan lahayn awoodda. Waxaan rajeynaa inay fahmaan in dhiiranaanta ay tahay in la sameeyo waxa saxda ah” ayuu yiri Obama.

 

 

Xigasho VOA