Qarax xoog leh oo ka dhacay goor dhawayd Muqdisho

Qarax aad weyn ayaa goor dhow abaarihii 5:30 galabnimo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa daryankiisa si weyn looga maqlay inta badan magaalada.

Wararka hordhaca ah ee ku soo dhacaya ,ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buxiyey uu ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku taalla wadada Maka Al Mukarama kuna dhow gurigii hore ee shaqaalaha oo hadda xarun KMG ah u ah hey’ada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya.

Maqaayada oo aheyd goob shaaha laga cabo ayaa waxaa galabtii isugu imaan jiray dad fara badan waxaana la soo sheegayaa inuu goobta ka dhacay burbur iyo khasaare badan, waxaana goob joogayaal ay sheegayaan in gaadiid gubanaya halkaas lagu arkayo.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu geystay qaraxan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin, gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta ayaana goobta gaaray.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa xiray goobta qaraxani ka dhacay, iyagoo rasaas goos goos ah hawada u ridaya si ay ugu kala ceyriyaan dadweyne badan oo halkaas ku yaacay si ay indhahooda ugu soo arkaan khasaaraha goobta ka dhacay.