Saaxirkii ugu weynaa Puntland oo lagu qabtay Bosaso

Ciidamada booliska Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga dhigay nin muddo 25 sanno ku shaqaysanayay sixirka iyo nin kale oo kaaliye u ahaa, kaasi oo magaaladda yimid sanadkii 1992dii.
 
Talyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Labada nin ay ka soo qabteen guri ku yaal mid ka mid ah xaafadaha magaaladda, wuxuuna soo bandhigay alaabo kala duwan oo uu sheegay inay u adeegsan jireen sixirka, kuwasoo ka koobnaa Lafo Ari oo shiilan, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool buskud iyo waxyaabo kale oo la isku tidcay.
 
‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota, waxa uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday’’ Ayuu yiri talyaha.
 
Ninkan saaxirka ah oo lagu magacaabayo Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano, wuxuu sheegay inuu 25-sano uu rooxaan iyo mingis soo dajinayay, isagoo adeegsanaya Lafo Ari, Caws iyo Alaabo kale oo qashin u badnaa oo lagu qabtay.