Video:-Maxay Soomaaliya la tagi doontaa shirka London?

Dawladda Soomaaliya ayaa wafti horu dhac ah,waxay u dirtay Magaalada London ee dalka Ingariiska ,halkaasoo 11-ka Bishaan uu ka furmi doono Shir Caalami ah oo looga hadlayo Arimaha Soomaaliya.

Waftigan ayaa loogu tala galay in ay lasii kulmaan Mas’uuliyiinta dowladda Ingiriiska ee Shirkan Marti gelinaya.

Waftigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorsheynta hadana ah Madaxa Qaban qaabada shirka London ee dowladda Fadaraalka Cabdiraxmaan Ceynte .

Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sheegay in Shirkaan ay Faa’ido badan ay ugu jirto umadda Soomaaliyeed , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay codsan doonto in laga cafiyo deymo badan oo lagu leeyahay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka