Dhagayso:-Afdalow”Talyaha Booliska waxuu igu handaday in aan toos madaxweynaha ugu xirnahay”

Waxaa xilkii uu ka qaaday talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg,talyihii qaybta Booliska ee Gobolka Mudug Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow).
Afdalow oo xili aan fogayn loo dhiibay hogaaminta Booliska mudug ayaa waxuu warbaahinta u cadeeyay in xilkaas laga qaaday,isla markaana uu ku wareejiyay masuul kale oo talyuhu usoo magacaabay hogaaminta Booliska Mudug.
 
Col Afdalow ayaa mudadii yarayd ee uu xilka Booliska Mudug hayay waxuu qabtay hawlo badan ,isla markaana wax weyn ka badalay amnigii Gobolka iyo gaar ahaan kii magaalada Galkacyo oo xiligaas aad u liitay.
Mahan markii ugu horaysay oo xilka qaadsi lagu asmeeyo Col Afdalow,balse waxaa la oran karaa waa xilka qaadistii udanbaysay oo lagu sameeyo Col Afdalow,hoos ka dhagayso warbaahinta Puntlandpost oo waraysi kala yeelatay Afdalow xilka qaadistaas..

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka