Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo gaaray London si weyn loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si balaaran loogu soo dhaweeyay magaalada London waxyar ka hor.
 
Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hethrow kaga hortagay oo si weyn ugu soo dhaweeyay jaaliyada Puntland ee dalka ingiriiska iyo masuuliyiin ka mid ah dawlada Uk.
 
Madaxweyne Gaas ayaa u tagay London ka qaybgalka shirweynaha looga xaajoonayo arimaha somaliya ee dawlada ingiriisku qabanayso,kaasoo qabsoomi doona maalinka khamiista ah.
 
 
isha ku haya idilnews wararka safarka madaxweynaha.