Video:-Dagaal Gaadiid dagaal looga furtay Ciidamada Koonfur-galbeed oo Goofgaduud ka dhacay

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Maanta Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.
Inta la Xaqiijiyay 12 Qof oo Dhinacyadii Dagaalamay u badan ayaa ku dhintay Dagaalkii ka dhacay Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay,waxaana la sheegay in 6 ka mida Ciidamada Dowladda oo Gurmad ahaan uga baxay Magaalada Baydhabo Qarax lala Eegtay ay ku dhinteen.
Sidoo kale Dagaalka Maanta waxaa ku dhaawacmay in ka badan 15 Ruux oo labada Dhinac ee Dagaalamay u badan.
 
Shabaab ayaa Maanta Barqadii Weerar kusoo qaaday Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay,waxaana weli Goof-gaduud ka jirtaa Xiisad Dagaal,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka