Video:-Khudbadii furitaanka shirka London ee Madaxweyne farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbada uu shirkaan ka jeediyay ku amaanay kaalinta qurbaha joogta ee dib u dhiska dalka iyo kaalinta ay ka qaateen kobcinta dhaqaalaha, wuxuuna ku dhawaaqay in dowladda dhisi doonto hay’ad qaabilsan qurba joogta qaranka.

Shirkan oo saaka ka dhacay London ayaa looga hadlayay doorka Qurba joogta ee kaga aadan dib u dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Khudbado kala duwan waxaa shirka ka jeediyay qurbo joog ka kala yimid Yurub iyo Ameerika oo ka hadlayay kaalinta qurba-joogta ee labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka arrimaha Somalia looga hadlayo, kaasoo ay si wada jir u shir guddoominayaan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka