Video:-Puntand oo markii ugu horaysay yeelanaysa Xeerka Da’yarta

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta waxa uu caasimadda Garoowe kaga qayb galay munaasabad ay soo qaban saabisay Wasaaradda Caddaalada Puntland oo lagu dah-furayey xeerka Da’yarta Puntland.

Munaasabassa waxa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, xubno ka socday beesha caalamka iyo xubno kale oo muhiim ah .

Wasiirka Caddaaladda Saalax Xabiin Jaamac ,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Maxamed Cali Faarax iyo xubno kale oo ka Wasaaradda ayaa warbixin kooban ka bixiyay heerarkii uu soo maray xeerka Da’yarta Puntland iyo faa’iidooyinka uu leeyahay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka