Video:-Trump oo xilkii ka qaaday madaxii FBI-da Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilkii ka qaaday madaxii hay’adda dambibaarista ee FBI-da, James Comey.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu go’aankiisa ku saleeyey talo cad oo uu ka helay xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions iyo ku xigeenkiisa.

Go’aankan ayaa soo baxay ka dib markii Comey uu macluumaad khaldan oo ku saabsan baaritaannada iimeylada Clinton uu la wadaaagay koongareeska Mareykanka.

Warqadda uu xilka kaga qaaday ee uu u diray Comey ayaa madaxweyne Trump uu ugu sheegay in uu ku guul darraystay in uu si haboon u hogaamiyo hay’adda FBI-da, isla markaasna ay lagama maarmaan u tahay in hogaan cusub loo helo hay’adda si loo soo celiyo kalsoonidii bulshadu ku qabtay hawlaheeda muhiimka ah ee ilaalinta sharciga ah.

Balse xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in xil ka qaadista Comey ay salka ku hayso baaritaanka xiriir sida la sheegay dhex maray sanadkii hore Ruushka iyo xubna la mid ah ololahii Trump,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka