Toos u Daawo Shirkii arimaha Somaliya ee London oo hada si rasmiya u furmay

Waxaa goor dhow bilowday shirka caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Aqalka Lancaster House ee magaalada London.

Shirka ayaa waxaa si wada jir u shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May, iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madax iyo wakiilo kala duwan oo ka kala socota illaa 50 dal ayaa ka qeyb galaya shirka, oo lagu wado in goor dhow khudbado ka jeediyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hada khudbad ka jeedinaya shirka, isagoo ugu horeyn u mahad celiyay dowladda UK, marti gelinta shirka London.hoos ka daawo muuqaalka shirka oo Toos ah.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka