Video:-Khudbadii Madaxweyne Axmed madoobe ee xafladii London oo ahayd mid dad badan u sacabtumeen

”Waxaa laga hadlaa madaxweynayaal badan iyo Maamulo anigu waxaan ahay dadka aan rumeysneen Federaalism-ka, wax yar u kaadiya adeer, waxaa la yiri in kasta oo uu hadal fiican ahayn waxaa la yiric Nin dameer dabadiis ka degay dan buu mooday, in State-yo aan sameyno waxaan dan u moodnay inaan marka hore meel walbo lasoo dhiso kadibna hal meel isugu wada nimaadno , mahan inaan dan kale ka leenahay, madaxweynayaasha badan waa ka gudbi doonaa”.ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
 
Dad badan ayaa u arkay hadalkiisa mid waaqiciga ka turjamaya una dhawaa xaqiiqda ,sila markaana la oran karo ma ahayn hadal siyaasi ee waxuu ahaa hadal kasoo baxay qof shacab ah oo iska caadiya.
 
Dhanka kale dad badan ayaa iyaguna ku duray oo u arka hadalka uu ka yiri fadaraalisimka mid uusan ka fiirsan oo jidbo uga soo baxay,hoos ka daawo muuqaalka khudbada oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka