Video:-War-murtiyeedkii shirkii Somalida ee London

War murtiyeed oo ka kooban dhowr bog ayaa laga soo saaray shirkii arimaha Soomaaliya ee  London, ayadoo ay si wadajir ah shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres.

 Waxaa ka qeybgalay shirkaasi in ka badan 42 dowladood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, ayadoo madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah.

Waxaa kamid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedkaasi.

  • (Humanitarian) Arrimaha bani’aadanimada;

Ilaa shan qodob ayuu ka koobnaa waxaana ugu muhiimsanaa in walaac laga muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya xilliga ka jirta, waxaana loogu deeqay $600 boqol oo milyen oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen,lana aqoonsaday dadaalada gudiga gurmadka iyo dadka kale ee is xilqaamay.

Dowladda ayaa lagu bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siisay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo sameysay wasaarad qaabilsan arimaha gargaarka.

Waxaana la isla gartay in la sameeyo qorshe lagu caawinayo dadka abaartu halakeysey si dhaqaale abuur loogu sameeyo, isla markaana looga fogaado in markale dhibaatada oo kale la kulmaan.

  • (Strengthening national security) xoojinta amniga qaranka;

Iyadoo uu qodobkan Waxyaabaha ugu muhiimsan ay  kamid aheyd in taageeray codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga qaado xayiraadda hubka ee saran Soomaaliya si hub iyo saanad military ay soo iibsankarto isla markaana  ay u suurtagasho in ay xasiliso amniga wadanka.

Waxaa sidoo kale la isku raacay qorshaha amniga qaranka ee dowladda Sooomalaiya iyo maamul goboleedyada ay ku heshiiyeen 16 bishii tagtay.

Marka laga hadlayo amniga ayaa waxaa la taageeray horumarainta hanaanka maamul maamliyadeed ee dalka lagu lafaguri doono shir daba socoda kan maanta la qaban doono bisha October ee sanadkan.

  • (More Inclusive Stable Politics) xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay

Qodobkan ayaa waxaa lagu xusey in ahmiyadda ay leedahay hanaanka dibu eegista dastuurka oo keeni kara horumarinta amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka.

Xoojinta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa la taageeray si doorasho qof iyo cod ah dalka ya ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021.

Waxaa kale oo la go’aamiyay ahmiyadda ah leedahay in la soo wado wadahadaladii u dhxeeyay dowladda iyo maamulka Somaliland, iyadoo la soo dhaweeyay hamiga dowladu u heyso arintaas.  Waxaan rajeynaynaa in doorashada madaxtinimada ee Somaliland  oo dhici doono November 2017 ay keeni doonto fursad lagu dar dargelinyo wadahadalka  ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Waxaa kale oo la soo dhaweeyay doorta qurbe joogta ee horumarka dalka ay ku leeyihiin.

4- (Accelerating Somalia’s Economic Recovery ) dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka

Dhaqaale xoogan in la horumariyo waxaa ay keeneysaa in nolshada dadka Soomaaliyeed kor loo qaado lana sameeyo shaqo abuur.  Xoojinta dkhliga gudaha ayaa aas aasu ah in la yareeyo u nuglaansha baaraha in la adkeeyo xasiloonida ayaa qeybka ah horumarinta  iyo u adkeysiga xaaladaha adag una baahan in la sameeyo qorshe horumarineed oo joogto ah.

Shirkadaha xawaaladaha  Soomaalida ayaa ah kuwo muhiim u ah nolshada dalka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay qeyb weyn ka qaataan kabaca dhaqaalaha dalka, waxaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo bankigayada ay xiriirka ganacsi la leeyihiin, isla markaana la dejiyo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Waxaa la soo dhaweeyay qorshaha dowladda cusub oo ah la dagaalanka musuq,iyadoo madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada lagu adkeeyay in ay xoojiyaan arintan isla markaana talaabo adag laga qaado dadka lagu helo musuq iyo wax isdabo marinta.

  • (New Partnership for Somalia)

Qodobka u dambeeya warmurtiyeedka ayaa waxaa uu ahaa qorshaha cusub ee taageerada Soomaaliya iyadoo la garowsday in qorshaha horumarinta qaranka uu yahay kan lagu wada shaqeyn doono, gaar ahaan amniga, dhismaha hey’adaha dowliga ah, xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqa iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka