Cajam, Carab iyo Cuddoon.WQ.Maxamed Xasan ”Alto”

Cajam, Carab iyo Cuddoon
 
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cajam iyo Carab lugabaxsi isu raaceen. Waxay arkeen inan gashaanti ah oo jaah iyo joog Eebbe u dhammeeyey oo Cuddoon la yidhaahdo oo aqalkoodii ku sii socota.
 
Carab ayaa yidhi: “Jeclaan lahaayaa in aan u tago oo la soo haasaawo.”
 
Cajam baa isna yidhi: ”Jeclaan lahaayaa in inantu ay ii timaaddo oo aan gurigayga ku casumo.”
 
Cuddoon ayaa wada maqlaysay hadallada labada nin ay is-weydaarsanayeen. Kolkaas ayay tidhi: ”Ninba kaskiisa ayuu hadlaa.”
 
Maxamed Xasan ”Alto”
 
Helsinki, 09.05.2017
 
xasan_maxamed@hotmail.com