Video:-Somali kale oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka

Diyaarad sidda 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Saraakiisha socdaalka ayaa sheegay in dadka lasoo tarxiilay haatan lagu diiwaangelinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay saraakiishu sheegeen in mas’uuliyiinta Maraykanku u sheegen Soomaalida in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.

Waa kooxdii saddexaad ee muwaadiniin Soomaali ah ee laga soo tarxiilo Maraykanka tan iyo intii uu xukunka Maraykanka qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Bishii Jannaayo waxaa lasoo tarxiilay 90 qof, halka bishii Maarso lasoo tarxiilay 68 qof.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka