Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay saraakiisha AMISOM iyo ciidamada dawlada fadaraalka

Waxaa kullankan shir guddoominayay Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed, waxaana kasoo qeybgalay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi, Taliyaha Ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM iyo Taliya Qeybta Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska.
 
Duqa Magaalada Muqdisho waxuu saraakiisha uu la kulmay ka kala dalbaday in ay xoojiyaan sugida amniga iyo in ay garab siiyaan Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo dhawaan la magacaabay si loo sugo Xasiloonida magaalada Muqdisho maadama ay fooda nagu soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.
 
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in saraakiisha uu la kulmay ay isku afgarteen sidii gacan adag looga geysan lahaa Amniga Gobalka Banaadir.
 
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan magacaabay Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo ay ku mideysan yihiin qaybaha Ciidamada dawlada fadaraalka..