Weerar dhanka internet-ka ah oo saameeyay caalamka oo idil

Weerar ballaaran oo dhanka internetka oo la rumeysan yahay in loo isticmaalay qalab laga soo xaday Hay’adda Ammaanka Qaran ee Mareykanka ee NSA ayaa waxaa lagu qaaday hay’ado ku kala yaal daafaha dunida.
 
Shirkadda Avast ee ka shaqeysa ammaanka internet-ka ayaa sheegtay in ay aragtay 75,000 oo kiis oo ah waxa loo yaqaan WannaCry oo lagu doonayo madaxfurasho oo ka dhacay caalamka oo dhan. Waxaa jira warar sheegaya in weerrarkan uu saameeyay 99 dal oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha.
 
Meelaha sida weyn uu u saameeyay weerrarkan waxaa ka mid ah hay’adda Addeegga Qaran ee Caafimaad ee England iyo Scotland. Ku dhawaad 40 hay’adood oo hoos taga barnaamijka Addeegga Qaran ee Caafimaad iyo isbitaalada qaar ayay arrintan saameysay, iyadoo la baajiyay ballamo iyo howlgallo la fulin lahaa.
 
Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in weerrarku uu saameyay dalal badan oo Yurub ah,dalka Ruushka ayaa saameyntii ugu balaarneyd ay haleeshay.
 
Dhowr shirkadood oo waa weyn oo Spanish ah ayaa iyana la weerraray, oo wararku waxa ay sheegayaan in shaqaalaha shirkadahaasi loo sheegay inay kumbuyuutarrada damiyaan.
 
Shirkado waa weyn oo laga leeyahay dalalka Portugal, Sweden iyo Ruushka ayaa sidoo kale waxaa saameeyay weerrarkan dhanka internet-ka ah.
 
Dadka ayaa barta Twitterka soo dhigayay sawirro muujinaya kumbuyuutarro weerrarku uu saameeyay oo ay ka mid yihiin shirkad maxali ah oo gadda tigidhada tareenada oo ku taal dalka Jarmalka iyo jaamacad ku taal waddanka Talyaaniga