Kuuriyada Waqooyi oo Ridday Gantaal Kale

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Axad ah tijaabisay gantaal kuwa riddada dheer ah oo gaari kayara ilaa 4,500 kiilo-mitir.

Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa ugu baaqay dhamaan dalalka inay Kuuriyada Waqooyi saaraan cunaqabeyn adag.

Goor sii horreysay oo maanta ah, dowladaha Japan iyo Kuuriyada Koofureed ayaa si kulul u cambaareeyey gantaalka ay Kuuriyada Waqooyi ridday.

Waxay tallaabadaasi ku tilmaameen mid handadaad ku ah gobolka isla markaana ku xadgudbeysa qaraarki Qaramada Midoobay ee barnaamijka hubka Kuuriyada Waqooyi.

Ra’isulwasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa ku amray dowladiisa inay heegan gasho.

Shiinaha ayaa ku baaqay xasilooni si looga hortago xaaladda sii kaceysa ee gobolka, halka Ruushka uu sheegay inuu ka walaacsanyahay gantaalka cusub ee ay ridday dowlada Kuuriyada Waqooyi.