Agaasime xigeen labaad oo loo magacaabay Villa Somaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasime kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada, kaasoo ka mid noqonaya Agaasime kuxigeenada Madaxtooyada.
 
Agaasime kuxigeenka xilka loo magacaabay ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Aadan Kulane, inkastoo aan si rasmi ah u helin qeybta uu qaabilsanaan doono, hadana Madaxtooyada ayaa xilliyadii hore laheyd labo agaasime kuxigeen.
 
Magacaabista Agaasime kuxigeenka labaad ee Madaxtooyada, ayaa ku soo aadeysa, iyadoo beryahan ay jirtay xurguf u dhaxeysay Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle iyo Agaasime kuxigeenka C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada.
 
Wararka ayaa sheegaya in magacaabistan Agaasime kuxigeenka cusub ay la xiriirto in lagu kala qaado awoodaha ay isku hayeen Baalle iyo Shoole.
 
C/llaahi Kulane ayaa noqonaya Agaasime kuxigeenka 1aad ee Madaxtooyada, isagoo u dhaxeyn doona Abuukar Baalle iyo Shoole, maadaama labada nin maalmahan isku hayeen awooda Madaxtooyada.
 
Mr Kulane ayaa la sheegay inuu yahay reer Mareykan, gaar ahaan waxaa uu ku noolaa Gobolka Minnesota, waxaa la sheegaa inuu ka mid ahaa taageerayaasha jidbeysnaa ee Madaxweyne Farmaajo.
 
Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle ayaa howshiisa noqon doonta mid siyaasada iyo arrimaha dibadda, halka labadiisa kuxigeen ay kala qaabilsanaan doonaan shaqooyinka gudaha Madaxtooyada, sida maamulka maaliyadda, shaqaalaha iyo howlaha kale.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya C/llaahi Aadan Kulane lagu bedelay Cabdi Muxumed oo ka mid ahaa Agaasime kuxigeenadii Madaxtooyada illaa xilligii Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.
 
Lama oga magacaabista Agaasime kuxigeenkan cusub inay qeyb ka tahay xalinta khilaafka u dhaxeeyay labada nin ee isku hayay awooda Madaxtooyada, waxaase la ogyahay in labada ninba Madaxweynaha agtiisa ay ku weyn yihiin.
 
Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la wareegay xafiiska waxaa is bedel lagu sameynayay hanaanka maamul ee Madaxtooyada, iyadoo la wada bedelay dhamaan wixii maamulka Madaxtooyada hayay ka haray dowladdii hore ee Xasan Sheekh.