Hawl milatari oo ka dhan ah ciidamadii gadooday oo ka bilawday IvoryCoast

Hawlgal milatari ayaa ka billowday dalka Ivory Coast oo muddo saddex maalmood ay gadoodsanaayeen ciidamda milatariga, kuwaaso oo dalbanayay lacago horey loogu ballan qaaday.
 
Dowladda Ivory Coast ayaa sheegeysa in ay dooneyso in ay kala dambeyntii dalka ku soo celiso kaddib markii ciidamo ka tirsan milatariga oo gadoodsan ay dibad-baxyo ka dhigeen guud ahaan dalka oo dhan.
 
Fallaago hore oo haatan ka tirsan milatariga dalka Ivory coast oo u soo dagaalamay sanado badan in madaxweyne Alassane Outtara uu xilka qabto, ayaa jimcihii billaabay dibadbaxyo.
 
Ciidamadan ayaa ka careysan muran ka dhashay heshiis dib loogu siinay mushaaraad iyo gunooyin ka soo daahay kaasi oo hadda la laalay, ka hor inta aysan helin lacagahani oo dhan.
 
Cidamdan ayaan la wareegay gacan ku haynta magaalada labaad ee ugu weyn wadankaasi ee Bouake, magaaladaa oo noqotay xarunta kacdoonka.
 
Lix qof oo dadka deegaanka ka mid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas digniin ah oo ay fureen fallaagadu taasi oo dadka loogu sheegayay in ay guryahooda ku sugnaadaan.
 
Ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in aysan wadahadal gali doonin, ayna doonayaan in ay dagaalamaan haddii ciidamadu ay arrintooda soo faragashtaan.
 
War xalay ka soo baxay madaxa ciidamada qalabka sida ee waddanka Ivory coast ayaa lagu sheegay in ciidamdadu ay qaadayaan howlgallo milatari oo dib loogu soo celinayo nidaamka, waa sida uu hadalka u dhigaye.