Xeer Ilaaliyaha oo ku dhegan hey’adaha dowladda ee si qaldan u maamula dakhliyada soo gala

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in hey’adaha kala duwan ee dowladda ay u badan yihiin kuwo si qaldan u maamula dakhliyada soo gala, taasoo uu ku tilmaamay inay sharci darro tahay.
 
Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in hey’adaha dowladda looga baahan yahay in dakhliyada ay qabtaan ku shubaan Qasnada dowladda.
 
“Wasaaraddaha dakhliga qabta, waxaa laga doonayaa in qasnada dhexe ee dowladda inay ku shubaan waa sharci darro in hey’adaha ay dakhli qabtaan inay maamulaan”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.
 
Waxaa uu sheegay in 80% ay Wasaaradaha dowladda ay qabtaan dakhliyo, loogana baahan yahay in dakhliga ay qabtaan ay marto qaab sharci ah, balse sida ay hada ayuu ku tilmaamay inay sharci darro tahay.
 
Xeer Ilaaliyaha ayaa ku wargeliyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti dhowrka ay ka soo saaraan wareegto iyo dabal gal, cidii ku xadgudubta ay u soo gudbiyaan xeer ilaalinta.
 
Hey’addaha dowladda qaar ayaa la sheegaa inay bixiyaan shatiyo kala duwan, waxaana jira shirkado dowladdii hore qandaraas lagula galay oo intooda badan qabta howlihii adeegyada ay qaban jireen Wasaaraddaha.