Sawiro :-Madaxweyne Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Norway

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safaro ku maraya wadamada Norwey, Sweden iyo Findland ayaa xalay ka degay magaaladda Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo si diiran ay ugu soo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Puntland ee dalkaasi
 
Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakiil ka tirsan ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, wuxuu garoonka Oslo hadal kooban ugu jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey, isagooo uga mahadnaqay soo dhawaynta sharafta badan iyo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.
 
aad iyo aad ayaan idiinkaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad aniga iyo weftigayga usoo dhawayseen, waana mid aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, waxaadna noo muujiseen dareen wanaagsan oo i farxad geliyey, waana idiinka mahadnaqayaa mar labaad iyo mar saddexaad, waxaan wada qaadan doonaa wakhti wanaagsan, waxaana isku waraysanaynaa kulan inta ka balaadhan, ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.
 
Sida lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada, Madaxweynaha iyo waftigiisa dhowr maalmood ayay joogi doonaan dalka Norwey, waxayna uga sii gudbi doonaan wadamada Sweden iyo Finland, halkaas oo Madaxweynuhu kula kulmi doono Jaaliyadaha ku dhaqan.