Trump ma loo ogolyahay in uu cid kale la wadaago siraha muhiimka ah ee Maraykanka?

Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale is arkay isagoo bartanka u taagan mawjado ka dib markii la sheegay in uu safiirka Ruushka la wadaagay xog sir ah oo xasaasi ah.

Macluumaadkii la xiriiray laabtoobyada lagu dhex isticmaalo diyaaradaha ayaa la fahamsan yahay in uu Maraykanku ka helay dal ay xulafo yihiin oo doorbiday in uusan Ruushka la wadaagin.

Xogtaas oo lagu suntay “codeword classified”, ayaa ahayd mid aad muhiim u ah.

Trump ayaa hadda sheegay “in uu xaq u leeyahay” in uu Ruushka la wadaago macluumaadyada la xiriira argagixisada iyo ammaanka diyaaradaha.

Haddaba maxay yihiin shuruudaha ku xeeran xogta sirta ah, xaqse ma u leeyahay?

Waa maxay xogta ay tahay in la qariyo?

Sida ku cad amar madaxweyne oo uu Barack Obama saxiixay sannadkii 2009kii waa in la qariyaa xog kaste oo wasaaradda gaashaandhiggu ay dalbato in la dado iydoo u aragta in qarintaasi ay dan ugu jirto ilaalinta ammaanka dadka Maraykanka, dimuqraadiyadda, ammaanka gudaha amaba calaaqaadka uu dalka Maraykanku la leeyahay dalalka kale.

Mar haddii xogtaas lagu daro kuwa ay tahay in la qariyo faafinteeda waxaa lagu mutaysan karaa in la is maxkamadeeyo, sikastaba ha ahaatee ma jiro xeer arrintaas ka dajisan.

Maxay ka dhigan yihiin darajooyinka loo kala sameeyay xogta dahsoon?

Xogta dahsoon waxaa loo kala qaadaa saddex darajo

Top secret: Xogaha dahsoon ee darajadeedu sarayso waa macluumaad ay dawladdu rumaysan tahay “in ay macquul tahay” in ay gaysan karto waxyeello wayn oo soo gaarta ammaanka qaranka sida uu qoray The Economist, 1.4 milyan oo ruux ayaa awoodda in ay la socdaan.

Secret : Sirtan darajada labaad ah waa mid ay “macquultahay in laga filanayo in ay waxyeello wayn gaysato

Confidential: Sirtan darajada saddexaad ah “waa mida ay macquultahay in ay si sahlan waxyeelo ugu gaysan karto ammaanka qaranka, xogtan waxaa lala wadaa askarta maraykanka intooda badan.

Macluumaadkan sirta ah waxaa loo gudbiyaa madaxweynaha ama madaxweyne ku xigeenka, laakiin inteeda badan waxaa lala wadaagaa madaxda waaxaha ammaanka ee kala duwan.

Marka xog sir laga dhigo waxaa la dajiyaa wakhti ay sirnimada ka baxdo. Mararka qaar waxaa laga yaabaa in ay timaado dhacdo tilmaamaysa in xogtii hadda dadka lala wadaagi karo, siraha qaarkoodna wakhti cayiman ayaa loo qabtaa, haddii labadaas arrimood aysan midoodna dhicin isla markaasba waxaa la go’aamiyaa in 10 sano la qariyo, si kastaba ha ahaatee waxaa xogtaas la sii qarin karaa 25 sano.

Arrinta muhiimka ah ayaa ah in aan si dhamystiran loo shaacin karin sir la qarinayay midday doontaba ha noqotee.

Ma jirtaa awoodo gaar ah oo madaxweynuhu leeyahay?

Madxweynuhu maka maka soo can yahay dadka kale?

Haddii si kooban looga jawaabo waa haa.

Xogta oo sirnimadii laga saaro wakhtigii lagu heshiiyay ka hor amaba in hoos loo dhigo heerkeeda waa go’aan uu qaadan karo qofkii marka hore macluumaadka bixiyay ee heerkaas jooga, ama qofkii masuulkaas badala ama horjoogihiisa.

Madaxa sirdoonka qaranka Maraykanka ayaa hoos u dhigi kara ama sir nimadii ka saari kara ka dib marka uu la tashado masuuliyiinta waaxaha ay khusayso.

Si kastaba ha ahaatee shuruucda sir ahaansho ka saaridda xogta waxaa loo arkaa qaybo ka mid ah awoodaha madaxweynaha, sidaa daraadeed haddii uu rabo in uu xog sir ahayd shaaciyo wuu awoodaa, sida uu daabacay the New York Times.

Maxaa dhici kara haddii uu qof kale faafiyo xog sir ah?

Wuxuu waayi karaa ogolaanshihii uu u haystay in uu helo xogaha sirta ah amaba wuxuu mudan karaa in dacwad lagu soo oogo iyadoo loo adeegsanayo shuruucda basaasidda. Edward Snowden ayaa faafiyay macluumaad sir ah oo heer sare ah wuxuuna ku dambeeyay in uu magangalyo waydiisto Ruushka si uu dacwad uga badbaado.

Arrintan maxay uga dhigantahay xogihii mustaqbalka la isla wadaagi lahaa?

Haddii madaxweyne Trump uu bixiyay macluumaad sir ah oo muhiim ah, wuxuu jabiyay “sharci dahabi ah” sida uu sheegayo Frank Gardner oo ah weriyaha arrimaha ammaanka ee BBC.

“Waxaa dunida ka jira sharci dahabi ah oo basaasidda ku saabsan waana in haddii uu dal macluumaad sir ah la wadaago dal kale in dalkii sirta loo soo gudbiyay uusan dal saddexaad la wadaagin isaga oon la socodsiinin dalkii marka hore u soo gudbiyay,” ayuu sii raaciyay Gardner.

“Arrintaas jawaabteedu way sahlan tahay: waxay noqo kartaa in ay halis gali karaan dadkii xogtaas u soo helay”.

Balse malagayaabaa in tani ay horseedo in xulafada Maraykanku ay labo jeer ka fikiraan marka ay rabaan in ay macluumaad sir ah la wadaagaan Maraykanka.

Waxay u badan tahay in aysan sidaas ahayn. Qaar ka mid ah beesha caalamka ayaan wax wayn ka soo qaadin wixii uu Trump sameeyay ama wixii ay ahayd in uusan samaynin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee New Zealand, Gerry Brownlee ayaa sheegay in Ruushka iyo Maraykanku ay u baahan yihiin in ay si dhaw u wada shaqeeyaan.

Xigasho:BBC