Video:-Caalim”Madaxweyne Farmaajo Xaqiraad weyn ku sameeyey Madaxda dawlad Goboleedyada”

Bandhigan ayaa lagu falanqeyey arimo Xasaasi ah oo Soomaalida mugdi kaga jiray kuna saabsan dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo waqtigii uu socdey shirkii london ee soomaalida loo qabtay

Waxaana lagu marti qaaday aqoon-yahanka Siyaasiga ah ee Maxamed Maxamuud Nuur Caalim iyadoo la weydiyay su’aalo Xasaasi ah sida shirku u dhacay. Guusha uu sheegan karo Madaxweyne Farmaajo.

Caalim ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo Xaqiraad weyn ku sameeyey Madaxda maamul Gobaleed yagoo  ee shirkaa kala Qeyb gashay.

Waxaana madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu sawir lagalo madaxda la socotey arinkaa oo ah xaqiraad siyaasadeed oo Fadeexad ah waxaa kaloo uu xaqiray Bahda saxaafada soomaalida ee shirka Ka qeyb Gashay.

Caalim ayaa sidoo kale kala saaraya arrimaha ay soomaalidu ka suggaysay shirka iyo arrimihii ay ingiriisku wateen.
Caalim ayaa sheegay in uu jiro shir kale oo uu Jarmalku qaban doono, iyo mid Turkigu qaban doono, oo ambasadoor Caalim ayaa leh in hadda Soomaaliya aduunku indhaha ku haya.

Caalim ayaa leh haddaan kalluunkeena suuq u helno, beeraheena iyo xoolaheena suuq u helno, caalamku isagaa noo iman alahaa laakiin kalluunkeenii baa dawlado kale rabaan in ay iyagu inta badda kala baxaan dalalkale suuq uga hellaan.

Sidoo kale Ambasadoor Caalim ayaa si kooban u fallanqeeyay siyaasadaha ku xeeran xukuumadda Madaxwayne Farmaajo

Dhaqanka waxa uu keeni karaa in aan lagu kal soonaan waxa uu afka kasheegayo Madaxweyne Farmaajo iyo ficilka siyaasadeed ee uu samaynayo.

Aqoon-yahankaan Maxamed Caalim ayaa Caddeyay arintaa hadii uu madaxweyne Farmaajo sii wado inay adkeyneyso in uu Guul siyaasadeed dawladiisu ay Gaadho,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka