War deg-deg ah:-Dagaal xoog leh oo hada ka socda Beledweyne

Waxaa maanta Galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamo maleeshiyp beeleed ah halkaasi ku sugnaa.
 
Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya oo howlgalo ka waday Xaafada Howl Wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne ayaa dagaal waxaa kala hor yimid ciidamo maleeshiyaad ah oo xaafadaasi ku sugnaa.
 
Sargaal katirsan ciidanka booliiska magaalada Baladweyne ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka uu qarxay xili ciidamada amaanka xaafada howl wadaag ka wadeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayay, waxa uuna sheegay in maleeshiyada hubeesan ka hor yimaadeen ciidanka dowlada.
 
Dagaalka ka dhacay xaafada Howl Wadaag ee galbeedkla magaalada Baladweyne waxaa ka dhashay khasaaro, mana jiro ilaa hada cid faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Baladweyne.
 
Xaafada Howl Wadaag ee Galbeedka magaalada Baladweyne waxaa ku badan maleeshiyaadka hubeesan ee u abaabulan qaab beeleedka, waxaana xaafadaasi marar badan ka dhacay dagaalo salka ku haya qaab qabiil.