Ciidamo mushahaar la’aan ka cabanaya oo qabsaday wasaarada Gaashaandhiga fadaraalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidan gadoodsan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ay la wareegeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Ciidamada ayaa ah kuwa fara badan oo wata gaadiidka dagaalka ,waxayna kala xireen wadada warshadaha iyo waddooyinka soo gala xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidankan gadoodsan ayaa diiday in la galo ama laga soo baxo xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ,waxayna sheegeen iney ka gadoodsan yihiin mushaarkooda oo aanay helin dhowr bilood kana maqan tahay xuquuqdooda.

Saraakiisha ciidamada ayaa xiligan dadaal ugu jira iney xal ka gaaraan xiisada taagan isla markaana ciidamadan gadoodsan dib loogu celiyo xeryahooda.

Madaxweynaha Soomaaliye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in ay ku guuleysteen in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay bixiyeen mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda balse ciidanka ayaa ku doodaya iney wax mushahar ah qaadan dhowr bilood.

Gadoodkan ayaa noqonaya kii labaad oo ay sameeyaan ciidamo ka tirsan milatariga tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo.