Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalada 8aad iyo 12-aad oo ka bilaabanya Puntland

Agaasimaha Waaaxda imtixanaadka ee wasaarada waxbarashada Puntland Ahmed Maxamuud Warsame (Axmed saahil) Oo Warbaahinta Kula Hadlayay magaaladda Garowe, ayaa shaaciyay in maalinimada sabtida ah uu si rasmi ah u bilaabanayo Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalada 8aad iyo 12-aad ee Ay dowladdu qaado
 
Agaasime Saahil Ayaa sheegay iney magaaladda Garowe ka amba bixiyeen Howlwadeenadii iyo Kormeerayaashii Imtixaanada, Wuxuuna xusay in imtixaankan ay ka qeybgali doonaan ku dhuwaad 13-kun oo Arday Oo Kusugan Sagaalka Gobol ee Puntland.
 
Dhinaca kale Agaasimaha Waaaxda imtixanaadka ee wasaarada waxbarashada Puntland Ahmed Maxamuud Warsame (Axmed saahil) Ayaa ka codsaday Maamulada Degmooyinka iyo Taliyayaasha CIidamada in Howlwadeenada imtixaanada loo fududeeyo Shaqooyinkooda, Si Uu Imtixaanku u guuleysto.
 
Maalinta Sabtida ah ee nagu soo Socota ayaa la filayaa in Dhamaan Ardayda sagaalka Gobol ee Puntland ay u fariistaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladu qabato, Waxaana Xarumuhu Waxbara