Madaxii hore ee FBI-da maraykanka oo hogaamindoona baarista xiriirka Ruushka iyo Trump

Nin horay madax ugu soo noqday hay’adda dambibaarista Maraykanka ee FBI ayaa loo magacaabay in uu noqdo dambi baare khaas ah oo dusha kala socon doona baaritaannada lagu hayo in Ruushku uu farogaliyay doorashada Maraykanka iyo xiriir la sheegay in uu dhexmaray Ruushka iyo kooxdii ol’olihii doorashada ee Trump.
 
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud oo magacaabaya Robert Mueller ayaa sheegay in ay danta dadwaynahu tahay in la helo qof iyaga ka madax bannaan.
 
Magacaabiddan waxaa aad u ammaanay siyaasiyiin labada xisbi ka kala tirsan.
 
Tan iyo markii madaxweyne Trump uu shaqada ka eryay James Comey todobaadkii hore waxaa iska soo dabo dhacayay baaqyada ku aadan in baaritaanka Ruushka loo magacaabo dambibaare khaas ah.
 
Magacaabidda ninkan ayaa layaab ku noqotay Aqalka Cad ka dib markii madaxweyne Trump lala socodsiiyay arrintan ka dib markii ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Rod Rosenstein uu sixiixay amarka uu xilkaas lagu magacaabay.
FBI-da iyo Aqalka Congress-ka ayaa baaraya in calaaqaad uu dhexmaray kooxdii ol’olaha Trump iyo Ruushka.
Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku uu isku dayay in Trump uu ku guulaysto doorashada.