Madaxweyne Farmaajo ma dhisi doonaa mise wuu dumin doonaa Buundada Midnimada Soomaaliya ee inay dunto qarka u saaran?

Laga soo bilaabo sannadkii 2004 waxa nidaamka dawladnimada Soomaaliya lagu soo kordhiyey hab-maamulka loo yaqaaanno Federaalka (federalism). Habmaamulkaasi waxa lagu qoray dastuurka dalka (qabyo-qoraalkii hore, iyo dastuurka ku meelgaadhka ah). NIdaamkaasi dad badan oo Soomaaliyeed ayaa diidmo kala hor yimid iyagoo sababao kala geddisan cuskanaya. Ha yeeshee wixii ka danbeeyey sannadkii 2012 oo ku beegnayad xilligii laga baxay ku-meelgaadhnimada, waxa bilaabantay in dalka laga hirgeliyo nidaamka Federaalka. Waxana degaannada kala geddisan u qalab qaateen siday u dhisan lahaayeen maamul-goboleedkooda si ay ula jaanqaadaan Soomaaliyada federaalka ah.
Puntland/Jubaland.
Hore waxa ismaamul gaara u samaysatay sannadkii 2008-maamulka Puntland oo iyadu usii weel bannaysatay in lagu daydo oo ay hormuud unoqoto Soomaaliyada cusub ee Federaalka ah. Waxa xigay oo badhtimihii 2013 samaysmay maamulka Jubaland. Waxa xusid mudan in Madaxweynihii Federaalka ee xilligaas Xasan Sheekh uu isku dayey inuu ishortaago in maamulkaasi la dhiso dagaal badheedh ahna kala hor yimid.
Koonfurgalbeed
Waxa taa xigtay Maamulka Koonfur-Galbeed oo isaga laftiisu soo maray waddo dheer oo qodxanyo badan. Maamulkan waxa ka dhex jirey khilaafkii lixda gobol iyo saddexda gobol taasoo maamulkii Xasan Sheekh qayb ka ahaa. Aakhirkii safarro badan oo dhexdhexaadin ah oo Xasan Sheekh, Jawaari, Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh, Wasiirkii Arrimaha Gudaha Goodax, Nick Kay, IGAD, wakiillada EU ay ku tageen Baydhabo, iyo sidoo kale kooxihii Baydhabo isku hayey oo iyana safarro joogta ah Xamar galaa bixin jirey, markii muddo laba sannadood ku dhow madaxa la iskula jirey waxa la isla gartay in maamul saddex gobol ah la dhiso. Maamulkaasi waxa dhidibbada loo taagay dhammaadkii 2014.
Galmudug,
Sidoo kale waxa dadaal aan kaa ka yarayn maamulkii Xasan Sheekh u galay siduu u hirgelin lahaa maamulka Galmudug, oo isaguna soo maray xadhig-jiid aad u badan. Waxa mararka qaarkood jirtey in wasiirkii arrimaha Guduhu muddo ku siman bilo uu Cadaado fadhiyey, Xasan Sheekhna halkaa wixii taakulo iyo talo ah la daba socday. Waxa xusid mudan dadaalkii Xasan Sheekh iyo xulufadiisu umareen inay hirgeliyaan Galmudug xitaa inay baalmareen Dastuurkii ummadda oo qeexayey sifaha maamul-goboleed lagu noqon karo oo ah in “Laba gobol iyo wixii ka badan”. Dadaal dheer dabadeed waxa dhidibbada loo taagey maamulka Galmudug oo ka kooban gobol iyo badh badhtimihii 2015.
Hirshabeelle
Waxa kaloo intaa dheeraa in Maamulkii Xasan Sheekh, u xusul duubay Galmudug dabadeed siduu u hirgelin lahaa Maamul kale oo koonfurta Soomaaliya ka hanaqaada. Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh bilaabay ololihii lagu hirgelin lahaa Hir-Shabeelle taasoo xooggii iyo hantidii qarankaba la isugu geeyey. Muddo ku dhow sannad iyo badh ayaa dadaalkaasi oo aan kala go’ lahayni socday iyadoo loo adeegsanayo awooddii qaranka Soomaaliyeed iyo hantidii qaranka Soomaaliyeedba. Nasiib wanaag dadaadlkaasi wuxuu ku soo gebageboobay inuu dhasho maamulka Hirshabelle oo dhidibbada loo taagay Nov 2016.
Haddaba su’aasha is weydiinta lihi waxay tahay iyadoo intaas oo maamulgoboleed ay koonfurta Soomaaliya ka hirgaleen ayaa waxa hadda socda damac iyo olole kale oo la rabo in maamul-goboleed cusub loo dhiso gobolka Banaadir. Kama soo horjeedo xuquuqda dadka reer Banaadir laakiin waxa la yaableh goorma ayay dhammaanaysaa Maamul goboleedyada Koonfurta Soomaaliya? Halkeese ku dhammaanayaan?
Taxanahan iyo sooyaalkan Federaalka ee koonfur ku kooban aan soo bandhigay waxa igu xanbaaray, waxa isu kay qaban waayey in aan marwalba Soomalida reer Koonfureed shacab iyo dawladba ka maqallo “MIDNIMADA SOOMAALIYA WAA MUQADDAS” Maba xumee hadalkani ficil daba socda oo isku haynaya Soomaalinnimada kama aragno Koonfurta Soomaaliyeed.
Waqooyiga Soomaaliya waxay u kala baxeen qayb go’aansatay inay Soomaaliya ka go’aan oo run ahaantii wax badan qabsatay muddadaa burburku jirey dadaal badanna u gashay siday u hirgelin lahaayeen maamul iyo kala danbayn ay iyagu leeyihiin kuna guulaystay Ilaahay ha u siyaadiyee. Waxa kaloo jira gobollo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya oo iyagu weli u taagan midnimadii hase yeeshee ku seegay dano badan oo bulsho oo ay dhaxalsiiyeen duruufaha ku gedaaman. Duruufahaasi oo ay ka mid yihiin inaanay maanta koonfurna ka mid ahayn, waqooyina ka mid ahayn ee ay heehaabayaan meel dhexe. Gobolladaasi waa Sool iyo Sanaag (Koonfurta iyo Bariga Sanaag) iyo degmada Buuhoodle.
Talo soo jeedin.
Inline image 2
Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxa saaran masuuliyad ku khasbaysa inay waddanka isku hayso oo ilaaliso wadajirkiisa iyo midnimadiisa iyo madaxbannaanidiisa dhuleed iyo siyaasadeedba. Sidaad daraaddeed waxa la gudboon inay la timaaddo xal u khaasa oo gobolladaas wax lagaga qabanayo waa hadday dawladdu aamminsan tahay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Waxaan ku talin lahaa sadexdan qodob midkood.
1) In dawladda Federaalku u qalab qaadato dadaal loogu samaynayo maamul-goboleed federaalka ka tirsan degaannadaas waqooyiga Soomaaliya ee aamminsan midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed. Dadaal la mid ah kii loo galay Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed intay doonto ha qaadatee hantidii doontaana ha ku baxdee. Maxaa yeelay arrintani waxay muhiim u tahay midnimada Soomaaliya.
FG. Maamulka Puntland laftiisa waxaa looga baahan yahay hadday dawladda Federaalku tallaabadan maamul u samaynta Sool iyo Sanaag qaadato inay ka tanaasusho sheegashada gobolladaas Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle. Sidoo kale waxa Puntland la gudboon inay gacan ka geysato inay dawladda Federaalka u fududayso hawshaas gacanna ay ka geystaan maamul u samaynta gobolladaas.
2) In dawladda Federaalku ay wax ka beddesho qorshaha nidaamka Federaalka ee Soomaaliya oo ay midayso maamullada faraha badan ee Koonfurta Soomaaliya. Midnimada Koonfur ka gadaalna ay ka qayb qaadato, fududayso, fursadna siiso sidii loo midayn lahaa Waqooyiga Soomaaliya. Marka la helo labadii gobol ee Soomaaliyeed oo midwaliba gaarkiisa u midaysan yahayna la furo dooddii wax wada lahaanshaha iyo midnimada qaran Soomaaliyeed oo isu dhan. Waxa muhiim ah haddii la rabo qaran mid ah in dastuurka lagu qeexo sida loo wadaagayo xukunka iyo khayraadka dalka si cidina aanay cabsi u dareemin suurto galna aanay u noqon in dib la isugu xadgudbo ama loo kala badsado manaafacaadka dawladnimada.
3) Haddaan labadan tallaabo midkood si degdeg ah loo qaadin waxa imaanaysa inay midnimadii Soomaaliya god-dheer ku sii dhacdo. Gobolladan waqooyiga ee midnimada Soomaaliyeed u dayacmayna ay duruuftu ku kallifto wax aan midnimada Soomaaliyeed dan u ahayn lana midoobaan maamulka Somaliland waayo cidda keliya ee danaynaysaa gobolladan garanaysona inay muhiimad leeyihiin waa maamulka Somaliland.
Waxaan ku soo gebagebaynayaa Madaxweyne Farmaajo ma dhisi doonaa mise wuu dumin doonaa Buundada Midnimada Soomaaliya ee inay dunto qarka u saaran?
Maxamuud Ibrahim (Xaaji)