Putin:-Ma jirto wax sir ah oo uu Trump nala wadaagay

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo dhexgalay murankii ahaa in uu madaxweyne Donald Trump uu siiyay sir xaasaasi ah wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka markii uu kula kulmay Aqalka Cad.

Putin wuxuu sheegay in aaanu Mr Trump wax sir ah fakinin, haddii loo baahdana uu kongareeska Mareykanka la wadaagi karo hadaladii la isdhaafsaday intii uu socday kulanka. Putin waxa uu sheegay in dadka buunbuuniyay hadalladan ay midkood yihiin doqmo ama dad aan daacad ahayn.

Todobaadkan ayaa waxaa soo baxday in Madaxweyen Trump uu la wadaagay Ruushka maclumaad sir ahaa oo ku saabsanaa kooxda la baxda Dowladda Islaamiga, maclumaadkaasi oo Maraykanka uu ka helay dowlad kale.

Israa’il oo la tilmaamayo in ay ahayd dowlada Maraykanka la wadaagtay maclumaadkaasi ayaa haatan waxa ay sheegaysa in ay ku kalsoontahay Trump.

Trump ayaa hadda sheegay “in uu xaq u leeyahay” in uu Ruushka la wadaago macluumaadyada la xiriira argagixisada iyo ammaanka diyaaradaha.

Mr Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu Sergei Lavrov la wadaagay ”xaqiiqooyin ku saabsan argagaxisnimada iyo badqabka duulimaadyada”. Waxa uuna sheegay inuu doonayay in Ruushka uu gacan ka gaysto la dagaalanka kooxda la magac baxday dowladda Islaamka.

Waxaa soo laalaabtay eedaymaha ku saabsan in calaaqaad uu dhexmaray ol’olihii doorashada ee Trump iyo Ruushka, waxayna qayb ka tahay baaritaanno dhawr ah oo la wado.