Video:-Dad ku madaahaaradayay Erdogan oo ay isku dhaceen kuwo kale oo taageersan

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Khamiistii sheegtay in ay aad uga walaacsantahay iskudhacyo Talaadadi ka dhacay magaalada Washington oo ay ku lug lahaayeen taageerayaasha madaxweynaha Turkiga Racep Tayep Erdogan.

Qaar ka mid ah saarkiisha Mareykanka ayaa cambaaryey waxey u arkeen inay tahay arin looga soo horjeedo dibadbax si nabadgalyo leh u dhacayey, iyagoo sheegay in arrintaasi ay lid ku tahay ilaalinta xorriyatul qowlka Mareykanka.

Booliska magaaladan Washington. D.C. ayaa sheegay inay baarayaan warka sheegaya in laba ruux oo laga xiray halka uu bannaanbaxu ka dhacay ay ka mid yihiin ilaalada madaxweyne Erdogan.

Safaarada Turkiga ee magaalada Washington wali kama aysan hadlin dhacdadan.

Iskudhaca ayaa u dhaxeeyey taageerayaasha madaxweynaha Turkiga iyo kuwo kasoo horjeeday.

Waxay isugu soo baxeen banaanka safaarada Turkiga ee Washington. Bannaanbaxaasi ayaa lagu soo beegay saacado kadib marki uu madaxweynaha Turkiga Erdogan uu Aqalka Cad ee magaalada Washington kula kulmay madaxweyne Donald Trump.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka’