War deg-deg ah:-Gaari dad la dardarsiiyay oo sababay khasaare weyn

Gaari ayaa dad lagu dardarsiiyay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada New York waxaana la sheegay inuu qof ku dhintay dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa sheegay inay qabteen ninkii waday gaarigaasi, aaga uu weerarka ka dhacayna la geeyay boolis dheeraad ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku waranatay in 10 qof oo dhaawac ah lagu daweynayay goobta.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka weecday dhabaha gawaarida oo uu abaaray dhinaca dadka lugeynaya ay maraan.

Booliska ayaa sheegay inay u muuqato in falkani uu yahay mid shil ah. Waxay tuhunsan yihiin in darawalka uu ku guuldarreystay xakameynta gaariga.