Xildhibaanada Puntland oo isbaaro u dhigtay xaqa beelaha dulman!!!

62-xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Puntland,ayaa ugudbiyay gudoonka golaha mooshin ay kaga soo horjeedaan kordhinta baarlamaanka Puntland.
 
Xildhibaanadan ayaa si cad uga hor yimid qorshaha madaxweyne Gaas ee kordhinta xildhibaanada baarlamaanka Puntland.
 
Maalmo ka hor ayaa madaxweyne Gaas cadeeyay in uu codsi ugudbiyay Gudoonka baarlamaanka,kaasoo ku aadan in la furo baarlamaanka si beelaha reer Puntland ee qatan ay uhelaan qoondada ay xaqa u leeyihiin ee xildhibaanimo.
 
Go’aanka ay ku diideen codsiga madaxweynaha ayay xildhibaanadu ku sababeeyeen inuu dhaawacayo amniga iyo xasiloonida ka jirta degaamadda Puntland,isla markaana aysan Xal u ahayn baahida taagan..
 
Baarlamaanka Puntland oo la yagleeyay 1998-dii.ayaa lagu qaybsaday Gobolo, iyadoo xildhibaanadu ay ka kala yimaadeen Goboladii 5-ta ahaa ee lagu yagleelay Puntland iyo Buuhoodle oo xiligaas ahayd Degmo.
 
Diidmada hada lasoo sheegayo ee xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay ku diideen codsigii madaxweynaha ayaa ah tijaabo toos ugu socota awooda madaxweyne Gaas,
 
Xoga hoose ayaa sheegaya xilidhibaanada warqada qoray ay abaabuleen oo ka danbeeyaan siyaasiyiin damac ku jiro.
 
Ugu danbayntii maalmaha soo socda ayay kala cadaan doontaa cida sida dhabta ah uguulaysatay oo qorshaheedu fulo.
 
 
 
Jibril qoobey