Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay dalka Libiya

Ugu yaraan 60 qof oo lala xiriirinayo ciidamada milatariga ee bariga Libiya ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Brak El-Shati ee ku yaala koonfurta dalkaasi.

Rabshado ayaa halkaasi dib uga billowday shalay oo khamiis ahayd kaddib markii garab ka tirsan garabyada halkaa isku haya ay isku dayeen in ay la wareegaan saldhiggaasi.

Ciidamada dagaalamay ayaa daacad u kala ah garabyada iska soo horjeeda ee kala maamula Bariga iyo galbeedka dalkaasi.

Xabad joojin aan cago badan ku taagneyn oo ka jirtay saldhiga milatari ee Bark Al-shati ayaa u muuqata mid haatan burburtay.

Meeyarka magaaladaasi Ibrahim Zami ayaa ku tilmaamay qaar ka mid ah dilalka ka dhacay halkaasi xasuuq, isga oo sheegay in diyaaradaha qaar dab la qabadsiiyay.

Isbitaal ku yaala halkaasi ayaa la soo sheegaya in la gaarsiiyay meydad gaaraya 60 qof, oo ay ka mid yihiin dad shacab ah, waxaana la rumeysan yahay in dadkan shacabka ah ay saldhiga ka shaqeynayeen.

Tirada dhabta ah ee dhimashada ayaanan si rasmi ah loo hubin, iyada oo inta badan dadka halkaasi ku dhintay ay taabacsanaayeen ciidamada bariga Libiya.

Afhayeen ka tirsan unugga mucaaradka ee galbeedka magaalada Misrata, Maxamed Agliwan ayaa sheegay in ay xoreeyeen saldhigga, ayna cagta mariyeen dhammaan ciidamadiii halkaasi ku sugnaa.

Weerarka lagu qaaday saldhigga Brak Al-shati ayaa qeyb weyn ka ah colaad in dhawaale u dhaxeysay ciidamo ku hardamayay gacan ku haynta saldhig kale oo milatari oo halkaasi ka dhaw.

Balse xabad joojin aan rasmi ahayn oo la gaaray bishan ayaa burburtay, kaddib markii taliyaha ciidamada bariga Libya uu la kulmay ra’islawasaarha Qaramada Midoobay taageerto.

Labo toddobaad ka hor ayaa waxaa jiray rajo laga qabay kulan waddada loogu xaarayo heshiis ballaaran oo dhanka siyaasadda iyo milariga ah oo lagu qaban lahaa gudaha waddanka.

 

 

Xigasho BBC.