Video:-In ka badan 12300 oo arday oo reer Puntland ah oo maanta u farsiitay imtixaanka shahaadiga ah

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna sii hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta waxa uu safar shaqo ku tagay degmada qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, wuxuuna si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Haweenka, Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa ugu horrayn tilmaamay arrimo dhowr ah oo khuseeya imtixaanaadka, wuxuuna macalimiinta iyo ardayda ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen imtixaanaadka
dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dhankiisa dardaaran u jeediyay guud ahaan ardayda ka qayb galaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland wuxuuna ku adkeeyey inay is dejiyaan iskuna kalsoonaadaan isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda ay Wasaaraddu u dejisay nidaamka imtixaanka si ay u helaan natiijo wanaagsan.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland waxaa ka qayb galaya arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay dhan tahay 85- xarunmood, sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99- kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo 635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.

Qorshaha lagu hagayo imtixaanaadkan waxaa sanad kasta isku dubba ridda oo hogaamisa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxayna dedaal dheeraad ah ku bixisaa in ay hubiso in guud ahaan ardayda Puntland lagu ilaaliyo waxbarashada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka