Video:-Madaxweyne farmaajo oo beri u safri doona sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinta beri lagu wadaa in ay ka dhoofaan magaalada Muqdisho iyaga oo kusii jeeda magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.
 
Sida Wararka aan ku heleyno Madaxweynaha ayaa dalka Sacuudiga uga qeyb galidoona shir heer sare ah oo ay leeyihiin Hogaamiyaasha Wadamada Jaamacada Carabta iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.
 
 
Shirka ay yeelanaaan Hogaamiyaasha Wadamada Jaamacada Carabta ku bahoobay iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa looga hadli doonaa arimo dhoor ah ay ku jiraan xaalada bariga dhaxe iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.
 
Madaxwenaha Farmaajo ayaa inta uu dalka Sacuudiga joogo la filayaa in uu la kulmo qaar kamid ah Hogaamiyaasha kulanka ka qeyb galaya, waxa uuna kala hadli doonaa sidii ay dowladiisa taageero buuxda usiin lahaayeen.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka