Video:-Trump oo ka dagay sacuudiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad si uu halkaasi uga bilaabo socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu baxo tan iyo markii uu madaxweynaha noqday.

Madaxda Mareykanka loogama baran in ay Sacuudiga ku tagaan booqashadooda ugu horeysa ee ay dibada ugu kicitimaan, hase yeeshee Trump waxa uu safarkiisan Sacuudiga ka dhigtay jihadiisa ugu horreysa uu bannaanka ugu baxay.

Arrinta layaabka leh ayaa waxa ay tahay in Donald Trump intii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada ay hadalladiisu kamid ahaayeen inuu xanibaad kusoo rogayo Muslimiinta, waxaana taasi sii kaabay go’aankii ugu horreeyay ee uu qaatay markii xilka loo caleema-saaray kaasoo uu soo galidda Mareykanka kaga mamnuucay ilaa 6-dal oo Muslim ah.

Sacuudiga oo xiriir qota-dheer oo dhinaca tamarta iyo difaaca ah la leh Mareykanka ayaanan kamid noqon waddamadaasi 6-da ah.

Muddada 3-da casho ah ee uu madaxweynaha Mareykanka ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudiga ayuu qorshuhu yahay inuu ku saxiixo heshiis dhinaca hubka ah oo ku kacaya in kabadan 100 Bilyan oo doollar, waxaana madaxda Sacuudigu ay daafaha dunida isaga yeereen tobannaan ka tirsan hogaanka dalalka Islaamka si ay Trump ula kulmaan.

Trump ayaa booqashadiisan waxa uu isaga kala gudbi doonaa 3-goobood oo laga hogaamiyo saddex diimood oo kala duwan, kuwaasoo kala ah Sacuudiga, Talyaaniga iyo Israel,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka