Video:-Shir looga xaajoonayo amniga badaha oo ka furmay Bosaso

Shirkan ayaa waxaa maalgalinaya inta uu socdo Urur goboleedka IGAD waxana uu socon doonaa mudo laba maal mood ah.
Cabdiwaxaad Maxamed Xirsi oo Ah Sargaal ka socday IGAD Oo Furay Shirkan ayaa sheegay in Shirkan uu hordhac u yahay Shirweyne Balaaran oo Loo Qaban doono Guud ahaan Dadka somaliyeed, wuxuuna sheegay in muhiimada ay ka leeyihiin ay tahay in La helo Xog u ruurin saxa oo La xiriirta Baahiyaha ay qabaan Maamuladu,

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha gadiidka badda iyo La dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdimajiid samatar Maxamud Jaafaan, ayaa xusay in inta uu socdo Tababarkan in wax badan la iska weydiin doono Xaaladda nabadgalyada ee xeebaha Somaliya,

Waa Markii Labaad oo shir noocaan oo kale ah Lagu qabto Puntland, waxaana La qabtaa sadexdii Biloodba Mar, iyadoona diirada lagu saaro xaaladda Amaanka ee Badaha Somaliya,hooos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka