Afar askari oo ka tirsan maamulka Koonfur-Galbeed oo ku dhintay qarax oo dhigay

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Qarax Miino loo dhigay Gaari Nooho ah oo Qaad ka soo qaaday Degmada Bardaale ee Gobolka Baay una socday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qaraxa ayaa Gaariga ku Haleelay inta u dhaxeysa Degmada Bardaale iyo Awdiinle,waxaana la sheegay in ay ku dhinteen illaa Afar Askari oo Saarnaa Gaariga Qaadka u siday Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ayaa Xaqiijiyay Dhimashada Afarta Askari ee ka tirsan Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed.