Duqa iyo ku xigeenka Degmada Ufeyn oo xilkii laga qaaday

Wararka aanu ka helayno degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas maanta si rasmi ah loogu soo doortay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka golaha deegaanka degmadaasi.

Munaasabadda doorashada ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Bari Axmed Xaaji iyo mas’uuliyiin kale, shacabka degamdaasi iyo xildhibaanada golaha deegaanka.

Doorashada ayaa timid kadib markii xilkii laga xayuubiyey gudoomiyihii hore ee degmada islamarkaana uu xilka iska casiley gudoomiye ku-xigeenkii hore ee degmadaasi.