Video:-Camey”Dawlada fadaraalka ayaa sii daysay shabaabkan dagaalka ku qabanay”

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey ayaa sheegay in Dhallinayro ka tirsanaa Al-shabaab oo ay dagaal ku qabteen islamarkaana ku wareejiyeen Xarun ku taalla Muqdisho la siidaayay.

Waxaa uu Sheegay Madaxwene Cameey in Dhallinyaradaas dhaqan celin ahaan loogu wareejiyay xarunta Elman ee Dhallinyarada lagu dhaqan celiyo.

Dhallinyaradaas ayuu sheegayaa in qaarkood la siidaayay kaddibna ay dib ugu laabteen Al-shabaab,iyaga oo mar kale dagaallamayana ay gacanta ku dhigeen.

Camey ayaa sheegay in mar kale Dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab oo ay gacanta ku dhigaan asyan u wareejin doonin Muqdisho,taas beddelkeedana ay iyagu heyn doonaan.

Waxaa uu xusay in Puntland aysan markii hore u diyaarsaneyn goobo lagu dhaqan celiyo dhallinyarada laga qabto Al-shabaab laakiin ay hadda u diyaarsanyihiin.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in ay hadda hayaan 27 ka mid ah Dhallinyaradii ay ka qabteen Al-shabaab xilligii ay wada dagaallameen,kuwaas oo ay da’doodu u dhaxeyso 15-18 jir islamarkaana ay hadda ku socoto dhaqan celin.

Hadalkan Ayuu Madaxweyne ku Xigenka Puntland Ka sheegay kadib kulan uu maanta kula qaatay Garowe, Madaxa xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom Oo Soo Gaaray Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka