Dawladaha Puntland iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah!!

Wafti balaaran oo ka socda Dalka Cumaan ayaa labo maalmood ka hor soo gaaray caasimada Puntland ee garowe.
 
Weftigan oo ka soo kicitimay Dalka Cumaan ayaa isugu jirey masuuliyiin ka kala socotey rugta gacansiga Dalka Cumaan, wasaarad Ganacsiga ee Cumaan iyo saraakiil ka socotey Madaxtooyada Cumaan.
 
Waftigan ayaa kala ahaa:-
 
1.Gudoomiyaha rugta ganacsiga Cumaan
Cabdulahi Salem Rawas.
 
2.Maamulaha guud ee hay’ada maalgalinta Cumaan .
Ahmrd Saleh baabood.
 
3.Sarkaal ka socda qasriga madaxtooyada Imad yousuf Hassan .
 
4.Mohamed faarax Xaaji Miire madaxa waftiga .
 
Waftigan ayaa booqashadiisu waxay daba socotaa booqasho kal hore ay ku yimaadeen Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso.oo ay xiligaas kulamo kula qaateen madaxda sar sare ee Puntland.
 
Hadaba waftigan oo kulamo kula qaatay garowe madaxda Puntland oo ugu horeeyo madaxweyne xigeenka Eng Camey,ayaa ugu danbayntii waxay heshiisyo dhawr ah oo muhiim ah dhinacyo badana leh la galeen Puntland.
 
Heshiisyaada ay kala saxiixdeen Puntland iyo Cumaan ayaa kala ah:-
 
1. Hagaajinta xiriirka labada dal.
 
2. Fududaynta ganacsiga.
 
3. Samaynta iyo fududaynta fiisooyin ganacsi Si ganacsadata puntland ay ugu fududaato maalgashiga iyo galida Cumaan.
 
4. In xoolaha somalida baaritaanadooda caafimaad kor loo qaado.,
 
5.In mid ka mid ah Maxjarada Bosaso ay toos u maalgashtaan ulana wareegaan ganacsatada reer Cumaan.
 
 
Heshiisyadan oo la filayo in ay dhawaan hirgalaan ayaa noqon doona kuwo wax weyn ka tara kor uqaadida ganacsiga labada dhinac,si gaar ahna waxuu fursado badan oo faa’ido ugu jirto u abuuri doonaa ganacasatada reer Puntland.
 
 
idilnews
Bosaso