Dhagayso:-Wararkii ugu danbeeyay qaraxii ismiidaaminta noqday ee Bosaso

Qaraxa ayaa ah mid ismiidaamin ah,goobta qaraxa lala eegtay ayaa ah isgoys u dhexeeya Dawladda Hoose iyo Rugta Ganacsiga, waxaana halkaas ku geeriyooday illaa shan qof oo uu ku jiro qofka isqarxiyey.
 
Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay wsaxaafada,ayaa sheegay in hal askari uu ka mid ahaa dadka qaraxa ku dhintay, sidoo kalena laba qof oo rayid ahi ay ku jireen dadka dhintay.
 
Taliyaha ayaa sheegay in illaa haatan la xaqiijin karo dhaawaca shan qof, hase ahaatee weli waxaa socota qiimaynta khasaaraha ka dhashay qaraxan.
 
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan ay sheegatay kooxda Daacish.
 
Ciidamada amaanka Bosaso ayaa soo gaaray goobta qaraxu ka dhacay waxyna wadaan baaritaan xoog leh,
 
Dhanka kale xaalada magaalada ayaa dagan.,hoos ka dhagayso codka talyaha Booliska bari oo faahfaahinaya sida wax u dhaceen.
Halkan ka dhagayso codka talayaha