Dooni kaluumaysi oo lagu afduubtay xeebaha Bari ee puntland

Burcad badeed reer puntland ah ,ayaa afduubtay dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran.

Doonta ayaa hada burcadu la aaday dhanka xeebaha bari ee puntland.

Gudoomiyaha gobolka gardafuul ayaa cadeeyay in doonida kaluumaysi ee laga leeyahay dalka Iran ay burcadbadeed afduubtay.

“Ujeedka ay ka  leeyihiin afduubka doonidan ayaa ah in ay u isticmaalaan afduubashada maraakiibta haatana bada ayay la galeen doonidii”ayuu yiri gudoomiyaha gardafuul.

Gudoomiye Maxamuud Axmed Caynte ayaa ku daray intaas in kooxda burcada ah ee afduubtay doonida ay yihiin kooxo dib iskaga abaabulay deegaamada Murcanyo iyo Xaabo oo khatartooda leh.

Ilaa iyo hada wasaarada kaluumaysiga iyo agaasinka ciidanka bada puntland kama hadlin afduubkan.

Afduubka doonidan loo gaystay ayaa ah kii ugu danbeeyey afduubyo isdaba joog ah oo xeebaha puntland ka dhacayay labo sano kadib xili la filayay in burcad badeedu soo afjarantay.

 

Idil news

Gardafuul