Madaxweyne farmaajo oo booqasho rasmiya ay uga bilaabatay jabuti

Madaxweyne farmaajo iyo waftigisii maalmaham ku  sugnaa dalka sacuudiga ayaa wax yar ka hor ka dagay dalka Jabuti.

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada jabuti si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweyne Geelle iyo xukuumadiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayay uga bilaabatay booqasho rasmiya oo qaadan doonta labo maalmood jamhuuriyada jabuti.

Madaxweyne farmaajo ayas kullan gaar ah la qaadan doonaa madaxweyne Geelle,kulankaas oo ay labada madaxweyne ku gorfayn doonaan xaalada somaliya iyo xiriirka labada dal.

Dhanka kale madaxweyne farmaajo inta uu ku sugan yahay jabuti waxuu khudbad ka hor jeedin doonaa baarlmaanka dalkaas.

Ugu danbayn madaxweyne farmaajo ayaa ka qaybgali doona furitaanka dekeda cusub ee jabuti ay yeelanayso.

 

 

Idilnews

Jabuti